Buugga uma helin wakhti aan ku akhriyo markii uu ganactayda soo galay, sababo dhowr ah dartood. Waa mid koowaad e, waxaa ii furnaa oo meel-dhexe ii marayey dhowr Buug oo kale. Waaa marka Labaad e, waxaan galay safar. Waxaan jaanis u helay aniga oo safar ah, in aan ku akhriyo diyaaradda dusheeda habeen Jimce ah taariikhduna ku beegan tahay 25/4/2025. Waxa aan dhammeeyey caawa oo ah habeen Axad ah taariikhduna ay tahay 27/4/2025.
Nooca Buuggu waa “Sheeko-faneed” waxa uu ka kooban yahay 321 Bog. Buuggu waxa uu ka hadlayaa nuxurkiisu haybsooc muddo badan ka dhex jiray bulshada Soomaaliyeed welina ka dhex jira. Waxa uu duur xulayaa xanuunka ay leedahay, in qof kula mid ah, muuq ahaan, diin ahaan, isir ahaan, deegaan ahaan, taariikh ahaan, hadana aad moodeysid in aydin wadaagin intaba, iyada oo aysan jirin qof fasiri kara sababta qayb bulshada ka mid ahi aysan ula sinnayn bulshada inteeda kale.
Waxa uu ka waramayaa bulshada qaybteeda la haybsooco, sida ay ula falgalaan faquuqa iyo qofba halka uu iska taago iyo xalka sida uu u arko. Qayb ka mid ah, waxa ay xalka u arkeen in ay ka guuraan haybta lagu nacay, una guuraan hayb kale, balse ku hubgoobay qorshahaas markii ay arkeen in si kasta oo aad reer kale u sheegatid aad reerkaagi hore ahaanaysid, si fududna aadan ku noqon karin reer kale. Qaar kale xalka waxa ay u arkeen in laga tago shaqada ay dadku u arkaan in ay hooseyso, iyaga oo la yimi xirfado kale oo laga heli karo hanti muuqata oo la taaban karo, bal si uu uga haro haysoocu, iyaduna waxba wey ka bedeli weydey dhibaatadii. Qaar kalena xalka waxa ay u arkeen in aan xalba la raadin ee noloshada sida ay tahay lagu aqbalo.
Geylame, markii uu arkay in xal kasta oo kale oo la isku dayey ay ku soo dhamaaden hal natiijo oo ah, in haybsoocu in uu sii kordho mooyee in uusan is bedeleen. Bulsho wacyi leh oo ka dagaalamaysana aysan jirin, dowlad isku hawsha oo ku dedaasha in bulshada la simo, cadaalad loo sameeyo iyadana wakeedaba daa, iska daa in ay wax ka qabato e, iyada ayaa lagu qaybsadaa hayb, oo kuraasta dad aan geyin in ay jiraan ayaa la aamisan yahay, ileen cidda shukaanta u haysaa waa isla bulshadii takoorka samaynaysay e.
Geylame, waxa uu xalka u arkayaa in cudud ciidan hadii la helo, dhibaatada haybsoocu xalismayso. Waxa uu u kaba ilanayaa sidii uu u noqon lahaa ciidan. Isaga oo u socda safarka uu ciidan ku noqon lahaa, ayuu safarka ku baranayaa gabadh lagu magacaabo Shamhaad. Shamhaad quruxdeeda iyo dabeecadeeda ayaa ad u soo jiidanaysa, qabligiisana qayb ka degeysa, ilaa ay magaaladii ay safarka u ahaayeen soo caga dhigtaan. Ileen waa magaalo e, qof walba dhanka uu uga socday ayuu u dhaqaaqay.
Geylame, waxa uu degayaa Hotel yar oo uu kharakhiisa iska bixin karo. Shamhaadna waxa ay tagaysaa Qasrigii ay ku noolayd. Geylame waxa uu tegayaa xero ciidan, oo markaa la doonayo in lagu qaato imtixaan ciidanimo, balse maadaama aan ciidanka la iska ka qori karin, lagama maarmaan tahay in aad heshid garab kugu garaba gala sidii laguu qori lahaa.
Geylame markii loo sheegay in haddii uusan haysan garab, aysan u suurta galayn in ay riyadiisii rumowdo. Waxa uu raadinayaa Generaal Keydsane, oo ay awowgii saaxiibo ahaayeen. Raadin dheer kadib ayuu tegayaa guriga Keydsane. Iswaraysi kadib, waxa uu maqlayaa cod uu moodayo in u ku riyoonayo, waa codkee? Waa codkii Shamhaad. Muuqeeda ayuu dhowrayaa, mise waa iyadii. Ugu danbayn guriga yuu qayb ka degayaa. Waxa halkaa ka bulaalaya jacalka isaga iyo Shamhaad, kuna dhamaanaya dhibaato nooc kasta leh kadib, qaab laga fahmayo in ay isguursanayaan balse uusan qoraagu aau cadeyneen, balse laga fahmi karo qaab gunaanadka sheekada, sabata dhibaatada keentayna waa haybsooca iyo ma geydid gabadha generaalka, maadaama aydin sinnayn dhanka bulshada dhexdeeda.
Qoraagu waxa uu adeegsanayaa intii awoodiisa ah ereyo Soomaali asal ah, iyo sugaan aan badnayn. Waxa uu meelaha qaar adeegsanayaa ereyo Af-ka Soomaaliga ku jira oo macna gaar ah loo yaqaan oraah ahaan iyo qoraal ahaanba, balse uu qoraalkooda uu dhalan rog ku samaynayo. Sida ereyga “dhilo” oo uu qoraagu u qoray dhi**0, wastada (isaga oo cabiraya hadal ah, nolosha aabeheed wastada ah) ayuu uu u qoray was**tada ah, waxaa suurta gal ah in uu qoraagu ka afgobaadsanayo dhawaaqa ereyadaas, oo haddii sida loogu dhawaaqo uu u qori lahaa aysan wax dhib ahi ku jabnaadeen. Waxaa ka haboonayd haddii uu ka afgobaadsanayo, in uu adeegsaso ereyo kale oo uu kaga maarmi karo.
In kasta oo hab qoraalka Af-soomaaliga meelaha qaar dood ka taagan tahay, hadana qoraagu waxa uu adeegsaday in uu kala qaado oraah isku xirnaanta ku haboon. Tusaale ahaan, waxa uu qoray ” wax la qaban karo na waa ay kooban yihiin”, waxa igala haboon in la isku qabto oo laga dhigo “wax la qaban karona wey yaryihiin”. Marar badan ayaad arkaysaa na oo keligeed taagan, waxa ay kugu khasbaysaa in aad dib ugu boqontid hadalka intiisa kale.