الأربعاء، 16 أكتوبر 2024

Buugga "Geylame"


Maalin dhoweyd ayuu macallin Hassan Mohamud iisoo hadiyeeyay buuggiisa ugu danbeeyay ee Geylame, aniguna xil baan iska saaray inaan ugu mahadceliyo sida qoraayadu mudanyihiin oo ah in waxsoosaarkooda la akhriyo lagana doodo si ay aragtida iyo farriintu buuggu sido bulshada u gaarto isbeddelna u abuurto. Markale iyo marar badan baan farriinta buugga wax ka dhihi doonaa, hadda se waxaan u socdaa labada sadar ee uu buuggu kusoo gebaboobayo, waa sadarro iga fikirsiiyay!
Si guud sadarrada koowaad ee buugaagtu ka bilowdaan waan u fiirsadaa, dhowr buug oo kamid ah buugaagta kooban ee aan akhriyay ayaa jira oo weeraraha furfurashadoodu aysan maskaxayda ka bixin, kan koowaad ee aan tusaalaha usoo qaadanayo waa "Notes from Underground" oo uu qoraagu ku bilaabay "I am a sick man . . . I am a wicked man. An unattractive man. I think my liver hurts." Cajiib! Kan labaadina waa buugga "The Communist Manifesto" oo isagana macallimiintu ku furfurteen weedhaan, "A spectre is haunting Europe — the spectre of communism." Labada buug oo kamid ah buugaagta sida ugu badan ay dadka akhristay isugu raacsanyihiin tayadooda sare marka koowaadba furfurashadaas ayay dareenkaaga oo idil ku qabsanayaan, gudahana waxaad ugu tagaysaa qoraal si weyn kuu saameynayaa.
Tusaale kale oo arrintaas ku saabsan aan usoo qaato buugga "The Forty Rules of Love" oo ah sheeko-faneed ay curisay gabadha Elif Shafak la dhaho, marka laga soo tago habqoraalka heerka sare ah ee buugga, is-barbarsocodka labada sheeko ee buuggu tabinayo, iyo farriimaha waaweyn ee uu sido, waxaa cajiib ah in ku dhawaad afarta boqol ee bog ee sheekadaasi ka kooban uu cutub walba ku bilaabanayo xarafka "B", waa arrin u fiirsasho iyo xiiso leh.
Aan usoo daadego ujeedkaygee, waxaan nasiib u yeeshay inaan akhriyo qeybo badan oo kamid ah waxsoosaarka qoraa Xasan Qorane, si gaar ah baan ugu fiirsaday weeraha qoraagu buugtiisa kusoo xiro, waa wax laga fahmi karo in qoraagu buuggiisa ku bilaabo furfurasho soo-jiidasho leh, dhanka kale se waxaa iyana fan gaara ah in qoraagu buuggiisa kusoo xiro weero qofka ka fekersiiya marka uu akhriska dhammeeyo. Xasan oo aan habqoraalkiisa aan ku jeclaaday astaamo badan oo ay ugu mudantahay habka uu wax u sifeeyo ayaa hadda buuggiisa "Geylame" igu baraarujiyay inaan u fiirsado tabta uu usoo xiro buugtiisa.
Sheeko-faneedda Geylame oo aan dhawaan akhriskeeda dhameeyay wuxuu kusoo xiray, "Mahad oo dhanna Eebbe ayaa iskaleh, waana uu ii wanaag falay markii uu Xabsiga iga soo saaray." Waa weer la micno ah aayadda 100aad ee suuradda Yuusuf, ( وقد أحسن بي إذ أخرجني من السجن وجاء بكم من البدو )
Markaan cabbaar soo gebagebayntaas ku fekerayay baan is iri bal markale fiiri buugaagtiisii hore ee aad akhriday soo gebagabayntooda, waxaa cajiib igu noqotay in buuggiisa شغف الانجاب uu isagana kusoo xiray isla aayadda 100aad ee suuratu Yuusuf, { إِنَّ رَبِّي لَطِيفٌ لِمَا يَشَاءُ }, iyada oo la maleyn karo gun dheerida qisada ay suuraddu tebinayso, haddana malaha waa fiicnaan laheyn in mar macallinku nooga warramo saameynta weyn ee ay suuraddaasi ku leedahay iyo sirta ku fikirkiisa qisada Nebi Yuusuf CS.
Buuggiisa kale ee Guure ayaa qoraagu isagana kusoo xirayaa weedhaan, "Guuroow safarkaagu waa mid dheer oo la yaqaano bar bilowgiisa, balse aan la garanayn bar dhammaadkiisa." Waa weer muujinaysa sida aan warmoogga uga nahay waxa aan mudan doonno berri iyo amminta ay geeridu ina haleeli kartoba. Waa weer la micno noqonaysa aayadda 34aad ee suuraddu luqmaan, وَمَا تَدْرِى نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِى نَفْسٌۢ بِأَىِّ أَرْضٍۢ تَمُوتُ.
U fiirsashadaydaan koobani waxay i gelisay xiiso aan u qaaday inaan ogaado xiriirka gunta fog ee ka dhexeeya qoraaga iyo fahankiisa farriimaha iyo qisooyinka uu Quraanku soo tebiyo. Maadaama aan macallinka xiriir fiican leennahay waxay naftaydu durba isu sheegtay in marka koowaadba uu ninka faraciisu galo gobolka Ogaadeeniya oo ah dhul Quraan ruugnimada caan ku ah iyo inuu mar dhexe ahaa macallin Quraanka dhiga, balse maanku wuxuu ku warceliyay in sirtu intaas ka gundheeraan karto. Qoraagaan ka warsan doonnaa xaajadaas hadday tahay sir uu daaha inoo ka faydi karo.
Sheeko-faneedda Geylame oo weydiimo badan igu dhalisay, si qumman maankayga u carisay, iina soo gudbisay farriimo nololeed oo waxgal u noqon kara aniga iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed qoraal kale ama qoraallo kale baan diiradda ku saari doonaa nuxurkeeda. Intaani waa un u fiirsashadaas guud.
** Si furan baan saaxiibkay Xasan ugaga mahadcelinayaa in afar kamid ah buugaagtiisa qoran oo uu qeyb ii hadiyeeyay qeybna aan ka iibsaday uu ii saxiixay, saxiixa qoraagu micnaha uu ii sameeyo ma ahan kaliya inaan haysto saxiixa qoraaga, ee sidoo kale waa in markasta oo aan saxiixaas arko uu ii ahaanayo xusuus saaxiibtinnimo oo aan macallinka ka haysto. Malaha lama heli karo wax ka wanaagsan inaad saaxiibkaa qoraalkiisii iyo saxiixiisii ba wada haysato oo aad kusoo xusuusato. Mahadsanid macallin.

WQ: Ustaad Cabdullaahi Sanco

Buugga "Geylame"

Maalin dhoweyd ayuu macallin Hassan Mohamud iisoo hadiyeeyay buuggiisa ugu danbeeyay ee Geylame, aniguna xil baan iska saaray inaan ugu mah...